Waa markii ugu horreeysey ee uu xul Soomaaliyeed heerkan soo gaaro (Waxa caawa la filan karo & Diiwaanka guulaha)

0

(Algiers) 29 Abriil 2023 – Waxaa caawa gegada Nelson Mandella Stadium ee magaalada Algiers ee dalka Algeria ku ballansan xulalka Algeria iyo Somalia kulanka furitaanka Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirrada.

Xulka Junyarka Somalia dab yar shidi maayo waayo 9-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay ciyaareen kaliya waxay guuldarro la kulmeen 2 jeer, 6 jeer waa badiyeen, halka kulan qura ay barbarro galeen.

Guulaha ay gaareen xulalka ay tumeen waxaa ka mid ah dalalka dariska ah ee Kenya & Ethiopia, si la mid ah dariska fog ee Uganda iyo S. Sudan.

Waddanka kaliya oo ay guuldarrada kala kulmeen waa dalka Tanzania.

Wiilasheennu waxay caawa la ciyaari doonaan kulan ugub ah waayo waa markii ugu horreeysey taariikhda ee uu xul Soomaaliyeed ciyaarayo kulan ka tirsan Koobka Qaramada Afrika oo aan isreebreeb ahayn.

Hadalsame Media