(Hadalsame) 29 Abriil 2023 – Hadal uu sheegay Bashiir Dheere oo xubin ka ah Guddiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin ay dadwaynuhu ka dhiibeen.
Bashiir ayaa mar uu la hadlayey Xulka Junyarka Somalia waxaa uu yiri: “Ciyaariyahankii noqda Xiddigga Garoonka kulanka Algeria waxaan siinayaa gabar 16-jir ah oo aan dhalay.”
Kalmadahaan ayaa waxaa ka yimid fal-celinno bulsho aan caadi aheen, iyadoo uu qofba meel ku dhuftay oo qaar baa xitaa sheegay inay arrintani qiime tirayso gabadha sidoo kalena aysan munaasib ahayn in xitaa haddii uu aabuhu gabadha dhiibayo aysan sax ahayn:
1 – In gabadha loo wada bandhigo dhowr iyo labaatan ciyaartooy.
2 – In gabadha sharad ciyaareed loo dhigto.
”Qaab kale oo lagu dhiiragelin karo ma la waayay ciyaartooyda? Maxaase iska khuseeya Xidigga Garoonka in aad noqoto iyo gabar mustaqbalkeeda? Ciyaar yahan fiican in aad tahay loogama tusaale qaadan karo in aad nin fiican tahay oo xididnimo iyo mas’uuliyad ku haboon. Waxaa fiican in fudeyd-hadalka la iska daayo.” ayuu soo qoray Maxamed Altes.
”Waxaaba dhaqan xumo ah in ruux nool hadiyad laga dhigo marka ay mustaqbal joogtana in wax badan laga fiiriyo wanaagsan ee bulshadaan hadalada ha iska saxaaan. Waana dhaqan xun oo la rabo in bulshada yac laga yiraahdo hada odaygaan gabadhiisa uu sharad ku dhiganaa aabbe nucee ah waaye ma u rabyo miyaa gabadha nolol iyo mustaqbal iyo in laga fiirsado nolosheeda cida ay la wadagayso ama aad siinayso.” ayay tiri Farxiyo Milano.
”Soomaali hadaan nahay tii dhiiro galin aheyd dhulka lagalnay maba toosinno dhiiqo lee naga noqotaa.” ayuu yiri Xasan Jii.
”Dhiirrigelin kale ma waydey?” ayuu waydiiyey Maxamed Amiin.
”Guur iyo Man of the Match iyo guur maxaa isu geeyey?” ayuu yiri Maxamed Ibraahim.
”Hadda gabadhaas ninka ay hadda shukaansato waa dhaaftay miyaad leedihiin?” ayuu is waydiiyey Daa’uud Maxamed.
”Gabadha dookheeda in loo daayo ayaa haboon, maaha alaab dukaan taalla.” Ayuu qoray Cumar Gama’diid.
”Gabdhaha yaan la qiima tirin oo rahan ahaan loo dhigin” ayuu yiri Maxamed Shuxle.
Hadalsame Media