(New Delhi) 29 Abriil 2023 – Muuqaal waxaan daawaday Wasiirka Caafimaaadka DFS oo ku faanaya in sanad walba dalka India caafimaad u soo raadsadaan kumannaan Soomaali ah, sidoo kale Dowlada India wuxuu ka codsaday inay dadka Soomaaliyeed ee caafimaad doonka ah u fududeeyaan dal ku galka (Visa).
Wasiirka shaqdiida maahan inuu Fiise noo fududeeyee waa inuu xalliyaa mushkiladda iyo baahida keentay inaan India caafimaad u raadsanno, halka Wasiirku codsaday Fiise fududayn waxay ahayd inuu ka codsado Dowlada India inay dhaqaatiir noo tababaraan.
Arday culuumta caafimaadka barata noo soo saaraan, dhaqaatiir noosoo diraan, naga iibiyaan qaarna na siiyaan qalab caafimaad oo tayo leh oo aan ugu maaranno inaan bannaanka caafimaad u raadsanno.
Dhanka kale, Wasiirku ma la socdaa inuu Wasiir u yahay dad ay 76% faqiir yihiin oo iska dhaaf inay India iyo bannaanka Caafimaad u aadaane xataa aan awoodin isbitaalalda gudaha inay tagaan daruuftooda dhaqaale darteed.
Warbixin ay soo wadda saareen Wasaaradda Caafimadka iyo Bangigga Adduunka 2021-kii waxa lagu sheegay in dadka Soonaaliyeed ee awoodda u leh inay tagaan goobaha Caafimaadka gaarka loo leeyahay ay yahiin 35%, halka 65% dadka ka mid ah aysan awoodin qiimaha yarka ah isbitaallada gudaha ku booqdaan si loo baaro oo qura. Wasiirku ma dadkaa ayuu Fiise ay ku baxayso kumannaan Doollar u raadinayaa?
Wasiirka waxaa waajib ka saaran yahay caafimaadka dadka Soomaaliyeed oo dhan asagaana laga rabaa inuu xalliyo baahida caafimaad ee dalka iyo siddii looga maarmi lahaa in dibaeda caafimaad loo doonto, waana inuu la yimaado siyaasad, qorshe, iyo aragti fog oo leh hoggaamin wax looga qabanayo siddii loo dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee dibedda loo aado, Wasiirka waxaan ka sugaynaa helidda caafimaad loo siman yahay oo tayo leh dalka gudahiisana ah.
W; Q: Cabdinuur Wayrax
Hadalsame Media