(Hadalsame) 26 Abriil 2023 – Kazakhstan ayaa laga yaabaa inay la kulanto cawaaqib haddii ay sii waddo ka caawinta Ruushka inuu gooyo cunaqabataynta reer Galbeedka, sida ay wakiillada Maraykanka iyo UK ay warfidiyeenka ugu sheegeen Astana Talaadadii, iyagoo ka dalbanaya xulafada Moscow ee Bartamaha Aasiya inay u hoggaansamaan cunaqabataynta ay kusoo rogeen Ruushka dagaalka Ukraine dartii.
“Kremlin-ku waxay u xilsaartay adeegyadeeda sirdoon inay raadiyaan habab” ay uga takhalusaan cunaqabataynta, iyada oo la samaynayo shirkado qalfoof ah ama dalaallo jooga waddamo saddexaad,” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Elizabeth Rosenberg, oo ka hadashay shirka jaraa’id.
Haddii shirkadaha Kazakhstan ay ka qaybqaataan qorshayaashan, taasi waxay u horseedi doontaa iyaga iyo dalkaba khatarta cunaqabatayn labaad, ayay raacisay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee EFE.
Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa “bilaabay cadaadis caalami ah” si ay u “xoojiyaan cunaqabateynta,” sida ay sheegtay Rozenberg, oo ku sugan Astana tiiyoo uu wehliyo ku Xigeenka Xoghayaha Ganacsiga, Matthew Axelrod iyo Wakiilka Xafiiska Arrimaha Dibedda UK David Reed.
Sida laga soo xigtey ergada reer Galbeedka, dowladahoodu waxay kala shaqaynayaan Kazakhstan si ay u joojiyaan gaarsiinta alaabada iyo adeegyada uu u baahan yahay [Madaxweyne Vladimir] gaar ahaan wax ay ku sheegeen “Mashiinka dagaal ee Putin.”
Hadalsame Media