(Hadalsame) 26 Abriil 2023 – Laacibka Patryk Klimala ayaa lagu haystaa inuu horyaalka Israel ka sameeyey dabbaaldeggii Naasigii Jarmanka ee cunsuriga ahaa.
Klimala, oo asal ahaan ka yimid dalka Poland laftiisuna Yuhuud ah, ayaa waxaa uu u ciyaarayey kooxda Hapoel Beer-Sheva ilaa Janaayo.
Laacibkan weerarka ah oo laba gool ka dhaliyey kooxda Hapoel Jerusalem, ayaa u dabaaldege goolkiisa isaga oo gacantiisa u fidiyey dhanka taageerayaashiisa, isaga oo samaynaya wax ay dad badani u fasirteen salaantiii Nazi-ga.
Klimala ayaa markaa kaddib sidan iskugu qiil sameeyey: “Waa la i khalad fahmey. Waxaan booqday Auschwitz oo aan ogaadey muhiimada taariikhda Yuhuudda iyo dhaqankeeda,”
”Goolka markii aan dhaliyey waxaan kaliya doonayey inaan salaamo taageerayaaahseenna, sida cad wax kale ma jirin.” ayuu raaciyey.
Hadalsame Media