(London) 26 Abriil 2023 – Idaacadda dalka Ingiriiska ee BBC ayaa mar qura beddeshey khariiraddii ay markii hore u adeegsan jirtey Somalia waxayna haatan soo saartay khariidad cusub.
BBC ayaa markii hore soo bandhigi jirtey meel si gaar ah u calaamaysan oo ay ku dul qoreen ”Aagga lagu muransan yahay”, iyadoo taa u adeegsan meel khariidad ahaan ku beegan gobollada Sool iyo Sanaag.
Yeelkeede, khariidad cusub oo ay iminka soo bandhigtay ayaa waxa laga dheehan karaa in Sool iyo Sanaag ay ku ”dartay” gobollada kale ee Soomaaliya halka ay si gaar u calamaadisey Maamulka Somaliland oo isagu sheegta inuu Somalia ka go’ay, balse aan ilaa iminka la aqoonsan.
Tan iyo bilowgii dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood waxay dadka degaanku sheegayeen inay doonayaan inay aayohooda ka tashadaan oo ay ku biiraan DF Somalia oo sharciyan iyadu dalka oo dhan ka talisa.
Hadalsame Media