UEFA oo ku dheggan kooxaha Barcelona iyo Juventus (Tillaabo deg deg ah oo soo socota & CL oo laga mamnuuci karo)

0

(Nyon) 25 Abriil 2023 – UEFA ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay inay go’aan deg deg ah ka gaarto ku lug lahaanshaha ama ka qaybgalka  Barcelona iyo Juventus‘ ee tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo labadan kooxood ay mari doonaan baaritaanno anshax marin ah.

Barcelona ayaa dacwad oogayaashu ku haystaan dacwad musuq maasuq ah kaddib markii lagu eedeeyey lacago ay kooxdu siisay Gudoomiye Xigeenkii Guddiga Garsoorayaasha Spain.

Kooxda ayaa lagu eedeeyey in ay sii wadatay xiriirkii ay la lahayd Jose Maria Enriquez Negreira kaas oo ‘lacag ku badalanayey’ inuu sameeyo ficillo u horseedaya in Barcelona loo sameeyo sida ay door bidayso marka la eego go’aanka garsoorayaasha.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in lacag dhan €7.3milyan oo euro (£6.46m) ay kooxdu u shubtay DASNIL iyo NILSAT oo ah laba shirkadood oo uu leeyahay Negreira, taasoo ay UEFA hadda baarayso.

Dhanka Juve, Xiriirka Talyaaniga ayaa horay u go’aansaday inuu 15 dhibcood ka gooyo Juventus oo loo haystey inay si qarsoodi ah u bixinaysey mushaarka ciyaartooyda intii lagu jirey marxaladihii hore ee cudurka COVID-19, iyo inay samaysay xisaabo la macmalay oo ku aadday dhinaca raasumaalka kooxda. Haatan dhibcihii waa loo celiyey Juve waxayna ka boodey kaalinta todobaad ee Serie A ilaa booska seddexaad ee Champions League.

Yeelkeede, weli ciqaab ayaa suuragal ah waayo maxkamadda ugu sarraysa ee isboortiga ayaa weli baaraysa kiiska.

Gazzetta dello Sport ayaa isna haatan qoraya in UEFA ay waddo baaris u gaar ah oo ka dhan ah Juventus oo ay dhici karto in ugu yaraan sanadka soo aaddan laga cayriyo tartamada kooxaha qaaradda Yurub.

Hadalsame Media