(New York) 25 Abriil 2023 – Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa u qaybsan qaar doonaya iyo diidaya fikradda ah in xarunta hay’adda laga raro magaalada New York sababta oo ah waxaa jirta xaddidaad dhaqaale, sida uu qabo sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka, Petr Ilyichev.
“[Ruushku], dabcan, wuxuu jeclaan lahaa in loo raro [Xarunta Qaramada Midoobey] meel kale oo dhexdhexaad ah, sida Geneva ama Vienna, laakiin dalal badan oo xubno ka ah ma rabaan inay ka tagaan New York,” Ilyichev, oo madax ka ah Waaxda Ururrada caalamiga ah ee Wasaaradda, ayaa sidaa sheegay.
Sida laga soo xigtey diblomaasiga, waxaa jira “sababo badan” oo ay dowladuhu uga caga jiidayaan inay ka baxaan magaalada ugu wayn Maraykanka, iyada oo mid ka mid ah ay tahay “in ay halkaas ku leeyihiin hanti ma guurto ah.
”Way ku adag tahay inay isku wadaan laba xarumood [UN], markaa wax walba waxay ugu yaalliin New York. Waa sababaha ugu badan oo ka mid ah fikradaha maaliyadeed iyo kuwa dhaqaalaha ee raritaanka diiddan.” ayuu ku dooday.
Ruushku wuxuu muddo “ka fikirayaa” in la raro xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaasoo ay ku taalley tan iyo markii la sameeyey hay’adda caalamiga ah. “Austria iyo Swiss-ku waa ka dhexdhexaadsan yihiin” marka la barbardhigo Maraykanka.” ayuu Ilyichev tilmaamay.
Marka laga soo tago xarunteeda wayn ee New York, QM waxay sidoo kale xarumo waawayn ku leedahay magaalooyinka Geneva, Vienna iyo caasimadda Kenya ee Nairobi.
Hadalsame Media