(Hadalsame) 25 Abriil 2023 – Sawirka koowaad ee quruxda dabiiciga ah ee ashaqaraarka lihi waxaa la yiri waa degmada Ayl, Soomaaliya. Sawirka labaadi waa magaalada Perth, Australia oo dhismihii koowaad ee dad deggan yihiin laga dhisay sannadkii 1829.
Waa hubaal in 1829 Ayl ahayd degaan muddo fog la degganaa oo da’ ahaan ay aad uga fac wayn tahay Perth. Ayl iyo Perth waxa ay isaga mid yihiin in ay ku yaallaan badwaynta Hindiya biyaheedu sannadka oo dhan qandac yihiin (Ayl galbeedka, Perth na bariga).
Kala duwanaanta inoo muuqataa waxa ay ma tusayaan kala duwanaanta labada ummadood ee ku kala nool.
Ayl keliya ma ahan ee dhammaan xeebaha iyo dhulka soomaalida ayaa sidaa u dayacan. Waa wax anfariir leh oo dadyowga adduunka qaarkood aysan rumaysan karin in dhul sidaa Ayl ahi maanta adduunka ku yaal haddana uu sidaa u dayacan yahay.
Bal qiyaas haddii ay soomaalidu daris la ahaan lahaayeen (booska Itoobiya iyo Kenya) dalal waa wayn sida Ruuska, Shiinaha Jarmalka, iyo kuwo la midka ah, xeebahaa quruxda badan ee ka baahannahay maanta ma degganaan lahayn? Jawaabtu waa maya ee sidii calibaystaynka ayaa na loo xasuuqi lahaa inta soo hartana tuulooyinka xeebaha ka fog lagu oodi lahaa.
Amar Ilaahay baan ku nool nahay.
W; Q: Cali M Diini
Hadalsame Media