Dalka Hindiya oo bishan dhamaadkeeda boos muhim ah kala baxaya dalka Shiinaha

0

(Hadalsame) 25 Abriil 2023 – Markii koowaad taarikhda dunida casriga ah, dalka Hindiya ayaa dhammaadka bishan lagu wadaa in ay noqdo dalka ugu dadka badan Caalamka.

Sida lagu xusay warbixin ay baahisay Qaramada Midoobay, tirada dadweynaha Hindiya ayaa la filyaa in dhammaadka bishan April ay noqon doonto 1,425,775,850 oo qof.

Taasi waxaa ay dalka Hindiya ka dhigaysaa midka ugu dadka badan idil ahaanba Caalamka maanta.

Hindiya ayaa booska ka cidhiidhsanaysa waddanka ay jaarka la tahay ee Shiinaha oo uu isaga waayahan gaabis ku yimi korodhkii xawliga ah ee dadka maaddama oo hoos loo dhigay taranka isla markaana muddo dheer la diidanaa in qoysku yeeshan hal ilme wax ka badan.

Saamayn kala duwan ayaa la filayaa in ay Hindiya arrintani ku yeelan karto maaddama oo waddankaasi aanu la dhaqaale ahayn dhiggiisa Shiinaha.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media