XOG: DF Somalia oo wadda qorshe muddada loogu kordhinayo Ciidamada ATMIS

0

(Muqdisho) 24 Abriil 2023 – Wax ka yar 20 bilood kahor inta aysan si rasmi ah u bixin Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ee Soomaaliya, mas’uuliyiinta DF Somalia ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin in la kordhiyo sii joogidda ciidamada gobolka, sida uu qorayo East African.

EastAfrican ayaa ogaadey in Muqdisho ay durba bilowday dadaal diblomaasiyadeed si ay Beesha Caalamka iyo Hogaamiyayaasha saamaynta ku leh gobolka uga dhaadhiciyaan inay aqbalaan muddo kordhinta.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la filayaa inay 27-ka bishan Abriil uu u furmo shir looga hadlayo mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), kaddib baaqyo isdaba joog ah oo muujinaya in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in ciidamadani sii joogaan wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2024.

Taariikhda bixitaan ee horay loo qorsheeyey waa in dhimitaanku uu bilowdo bisha Juun lana dhammeeyo bisha Diseembar 2024 ee sanadka soo socda.

Wax la taaban karaa weli ma jiraan

Laakin ilo ku dhow howlgalka nabad ilaalinta ayaa u sheegay The EastAfrican in soo jeedinta ah waqti kordhinta ATMIS “la isla qaatay” balse weli aanu jirin wax la taaban karo maadaama fikraddu ay “weli ku jirto qolqollada xafiisyada” madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kale oo ka mid ah daneeyayaasha ay Muqdisho ilaa haatan la xiriirtey.

Hadalsame Media