(Nairobi) 24 Abriil 2023 – Booliska Kenya ayaa soo saaray maydadka 47 qof meel u dhow magaalada xeebta ah ee Malindi, xilli ay baarayeen nin sheegtay ”wadaad diin” faafinayey oo la sheegay in uu xertiisa u sheegay inay gaajo u dhintaan.
Maydad carruureed ayaa ka mid ah dadka dhintay. Booliiska ayaa sheegay in soo saarista maydadku ay socoto.
Qubuuruhu waxay ku yaallaan kaynta Shakahola, halkaas oo 15 xubnood oo ka tirsan Kaniisadda Caalamiga ah ee Good News International Church laga soo badbaadiyey todobaadkii hore.
Hoggaamiyaha kaniisadda, Paul Makenzie Nthenge, ayaa xabsiga ku jira haatan kaddib markii lasoo qabtay, isagoo sugaya in la soo taago maxkamad.
Telefishinka Dowladda Kenya ee KBC ayaa ku tilmaamay inuu ahaa “hoggaamiye firqo”, waxayna sheegeen in ilaa hadda la aqoonsaday 58 xabaalood.
Mid ka mid ah qabuuraha ayaa la rumaysan yahay inay ku jiraan maydadka shan qof oo isku qoys ah – saddex caruur ah iyo waalidkoodii dhalay.
Mr Nthenge waa uu diidey inuu khalad sameeyey, balse waa laga diiday in damiin lagu sii daayo. Waxa uu ku adkaysanayaa in uu xiray kaniisddiisa sanadkii 2019-kii.
Waxa lagu eedeeyey inuu jamaacadiisa u sheegay inay is gaajeeyaan si ay u “galaan janno”, sida lagu faafiyey BBC.
Maalinlaha Kenya, The Standard, ayaa sheegay in khubarada dembiyadu ay qaadi doonaan tijaabooyin DNA ah si loo ogaado in dhibbanayaashu ay u dhinteen gaajo oo qura iyo in kale.
Hadalsame Media