(Manchester) 24 Abriil 2023 – Wout Weghorst ayaa kubadda dhunkaday guushii semi-finalka FA Cup-ka ee Manchester United ay ka badisay Brighton isaga oo weliba kubbada dhunkaday kahor inta uusan cirka marsiinin Solly March.
Kaddib markii uu dhaliyey rigoore noqday midkii 12-aad ee guud ahaan ciyaarta oo kaddib waqtigii dheeriga ahayd maraysey min lix gool oo barbarro ah, Weghorst ayaa dhunkaday kubada kahor inta uusan u dhiibin weeraryahanka Brighton.
Ma jirto saamayn toos ah oo ay arrintani ku yeelan karto macnawiyadda March, balse warbaahinta ciyaaraha ee Ingiriiska ayaa si wayn u hadal haysa tillaabadan uu qaaday weeraryahanka Dutch-ka ah oo woxoogaa khalkhal ah gelin kartey laacibka rigooraha cunay xilliga xasaasiga ah.
Man United ayaa haatan sidaa ku ballansatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man City wax noqon doona dhamaadkii abid ugu horreeyey ee ay labadan kooxi isku arkaan dhamaadka Koobka Ingiriiska horraanta bisha Juun iyo Wembley Stadium.
Hadalsame Media