(Napoli) 24 Abriil 2023 – Taageerayaal Napoli ah oo farxad la waalan ayay kaamaraduhu qabteen iyagoo eryanaya baska kooxdooda kaddib guushii ay kooxdu ka gaartey Juventus Axaddii xalay.
Hoggaamiyayaasha Serie A ayaa u dhaqaaqay wax inji uga dhow guusha horyaalka ah Axadii iyagoo guushii ugu dambaysay ee Juventus ay la micne tahay inay horyaalka qaadi karaan haddii natiijooyinku ay u dhacaan sida ay rabaan usbuucan.
Waxay 17 dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hoggaanka horyaalka Lazio, waxaana ku dhowaad hubaal ah inay qaadi doonaan horyaalkoodii ugu horreeyey muddo 33 sano ah.
Kooxda ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Napoli wax yar kahor 3-dii subaxnimo kaddib markii ay degeen dabaaldegyadii soconayey, laakiin taageerayaashu ma aysan nasanin iyagoo markale dib u cayrsaday ciyaartooyda oo u socda xeradooda.
Muuqaal laga soo duubay dariishada dambe ee baskooda ayaa muujinaya dad badan oo taageersan kooxda oo mootooyinka kula daba jira, iyadoo in ka badan hal qof ay saaran yihiin dhowr mooto, halka hal taageere uu lulayo calanka kooxda iyagoo faraxsan.
Absolutely astonishing view from the rear window of Napoli team bus at 3am when they landed back in Naples after beating Juventus at Turin.
After 33 years, Napoli next week can be crowned champions.
Incredible troop of motorbike following them pic.twitter.com/xKfbO1guzJ
— Tancredi Palmeri (@tancredipalmeri) April 24, 2023
Hadalsame Media