(Muqdisho) 24 Abriil 2023 – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda gadood iyo shaqo joojin ay samaynayaan bajaajlayda ka xoogsada magaalada Muqdisho kaddib markii uu Maamulka Gobolka Banaadir soo rogey in laba qaybood loo kala qaybiyo shiftiyada ay shaqayn karaan.
Shiftiyadan oo kala ah A&B ayaa ka dhigan in qaybi ay maalintii shaqaysan karto halka qaybta kale ay habeenkii soo geleyso shaqada.
MAXAA KHALDAMAY BILOWGII? Khaladka ugu wayni waa inaan markii hore la qorshaynin tirada ku filan inay magaalada ka shaqeeyaan taasoo haatan keentay in magaaladu noqoto qof iyo bajaaj, jeer ay jidadkiiba mari waayaan gawaaridii kale oo ay ku jiraan qaybaha kale ee gaadiidka dadwaynaha sida basaska, tagaasida IWM.
MAXAA HAATAN KHALDAN? Waxaa loo baahnaa in si deggan oo aan la dareemin horta loo dhimo gebi ahaanba tirada bajaajta iyadoo dadka loo samaynayo qaabab kale oo uu dakhli kusoo geli karo, balse in xukun deg deg ah lasoo rogo waxaa ka muhiimsan in horta la bixiyo waqti ku filan oo ugu yaraan lagu wada buufin karo bajaajyada magaalada ka shaqeeya, markii taas la dhamaystirana la bilaabo kala saarista shiftiyada.
Hal cillad oo uu leeyahay nidaamka Soomaalida oo inta badan jeega dharbaax iyo gacan adag ku dhisani waa inaan si deggan loo rogrogin go’aannada la qaadanayo, balse la joojiyo marka ay shaqayn waayaan amaba dhibaato horseedaan (Trial and error).
SOO JEEDIN – Waa wax wanaagsan in la sameeyo wax kasta oo lagu dhimayo saxmadda bajaajyada iyo wixii foowdo ah oo la socda, balse waa in sidaa la sameeyaa iyadoo aan la abuuraynin qalaanqal kale, amaba aan saamayn xun lagu yeelanaynin dadka masaakiinta ah ee biilkooda kasoo dhacsada mootooyinkan iyo kuwa kale ee iyana u baahan inay gaadiidkooda ku shaqaystaan ee aan bajaajlayda ahayn, balse yaan khaladkii maamul ama agaasin ee markii hore la galay lagu sixin khalad kale.
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media