(Khartuum) 24 Abriil 2023 – Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Jananka ka dagaallama dalka Liibiya ee Khaliifa Xaftar uu gacan weyn ku lahaa diyaarinta iyo isku durba ridka duullaanka ay qaadeen ciidanka Gurmadka deg dega ah ee dirirta ka wada dalka Suudaan.
Wargeyska oo soo xiganaayey ilo ka ag dhow labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday in Khaliifa Xaftar uu si weyn u taageerayo jananka hoggaamiya ciidanka RSF ee Maxamed Xamdaan Dogolo.
Tan ayaa sii xoojinaysa xogo maalmahan warbaahinta qaarkood soo tebinayso oo sheegayey in ay Suudaan soo galeen maleeshiyaadkii ka dagaallami jirey dalka Liibiya.
Khaliifa Xaftar oo hore loogaga adkaaday dagaalladii uu ka galay dalka Liibiya ayaa xilligan u muuqda mid awooddiisa ku soo bandhigaya waddanka Suudaan oo toddobaadkii labaad Dagaal culus ka socdo.
Xaftar oo saldhigta magaalada Bengazi ee bariga Libya oo sidoo kale ah caasimadda 2-aad ee dalkaasi ayaa horay ugu fashilmay inuu xilka ka tuuro Dowladda la aqoonsan yahay ee caasimadda fadhida, isagoo taageero ka helayey dalal ay Imaaraadku ka mid yihiin kuwaasoo sanadihii dambe bilaabay inay malliishiyaad ka dhex sameeyaan dalal badan oo Muslim ah.
W; D: Khaalid Foodhaadhi
Hadalsame Media