(Hadalsame) 24 Abriil 2023 – Diyaarad sidday kooxda haweenka Arsenal oo ka soo laabtay lugtii hore ee semi-finalka Champions League ee Wolfsburg ayaa dab ku qabsaday wadada ay diyaaraduhu ku ordaan fiidnimadii Axadda.
Duuliyayaasha diyaaradda ayaa si deg deg ah u daad gureeyay rakaabka oo ay ku jiraan kooxda koowaad ee Arsenal si ay u badbaadiyaan.
Dhacdo ayaa ka dhacday garoonka Braunschweig Wolfsburg Airport ee Wolfsburg kaddib markii shimbir ay ku dul duushay matoorka wax yar ka hor inta aan la duulin. Ololka ayaa isla markiiba bilaabay inuu ka soo baxo diyaaradda Boeing 737.
Kooxda Arsenal ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso in ay saaka si nabad ah ugu soo laabteen gurigooda. [Daily Mail]
W; D: Eglan Axmed Xasan
Hadalsame Media