YAAB: MW hore Cumar Xasan Al Bashiir oo xabsigii….

0

 (Khartuum) 23 Abriil 2023 – Sida ay soo tebisay Wakaalada wararka ee Anadolu, maxaabis tiro badan oo ku jiro Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu soo warramayaa in laga sii daayey xabsiga Kuubar oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Caasimadda ah ee Khartuum.

Cumar Xasan Al Bashiir ayaa xabsigan ku jirey tan iyo sannadkii 2019 kii ka dib markii xilka lagaga tuuray kacdoon dadweyne oo ka dhacay dalkaasi.

Lama sheegin halka uu tegay iyo cidda amnigiisa damaanad qaaday.

Al Bashiir oo muddo 30 sano ah hoggaaminayey dalka Suudaan ayaa ka mid ahaa dadka ay sida weyn u raadinayso Maxkamadda dambiyadda dagaalka ee ICC.

Dagaalka iyo Colaada ka taagan dalkaasi ayaa kasii daraysa iyadoo xoogaga iska soo horjeeda uu mid kasta isku dayayo inuu adeegsado awooddiisi ugu dambeysay si uu ugu gacan sareeyo Qaybaha muhiimka ah ee Magaalada Caasimadda ah.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media