(Muqdisho) 23 Abriil 2023 – Haddii wax un dawladnimo ahi Muqdisho ka jirto waa in si degdeg ah xilka looga qaado ka dib na maxkamad la la tiigsado ruuxa lagu magacaabo Yuusuf Madaale.
Xeerarka dalku waxa ay mamnuuceen jirdilka nooc walba oo uu yahay. Waxa ay kale oo ay mamnuuceen ku xadgudubka xuquuqda, sharafta iyo karaamada qofka soomaaliyeed iyo qof walba oo bini’aadan ah.
Qofka haddii lagu qabto dambi uu faraha kula jiro ciidanka boliiska ayaa xiraya dabadeedna saldhigga boliiiska inta ay geeyeen oo waraysi ka qaadaan bay maxkamad u ballamiyaan, haddii qofku galay dambi lagu maxkamadayn karo haddii kale waa siidaayaan.
Boliisku ma jirdili karaan qofkaa, ma caayi karaan, inta muuqaal ka duubaanna PUBLIC ma soo dhigi karaan. Haddii boliiska muuqaal ka duubaan waa in meel ammaan ah muuqaalkaas lagu kaydiyo.
Falka foosha xun meel Madaale ku kacay mar waa dambiyo (jirdil + muuqaal duubis + faafin muuqaallo aan sharcigu fasixin), marna waa xadgudub iyo qadaf loo gaystay dad soomaaliyeed.
Haddii wax un dawladnimo ahi Muqdisho ka jirto waa in Madaale umadda laga hor wareejiyo foolxumada uu gaystayna lagu maxkamadeeyo.
Ruuxaasi dawladnimada iyo haybadda qaranka ayuu foolxumo ku yahay runtii.
W; Q: Cali M. Diini
Hadalsame Media