Maalqabeen Soomaaliyeed oo hantidiisa la isku haysto oo geeriyoodey (Maxaa dhacay?)

0

(Madiina) 23 Abriil 2023 – Maalqabeenkii caanka ahaa ee reer Garissa, Mahat Kuno Rooble, ayaa ku geeriyoodey magaalada Madiina ee barakaysan.

Rooble, oo caan ku ahaa lahaanshiyaha 75-qol ee Almond Resort iyo Spa Limited ku yaalla ismaamulka Garissa, ayaa ku geeriyoodey dalka Sacuudiga kaddib markii uu muddo kooban xanuunsanaa.

Ha yeeshee, waxaa dhacday in marxuumka caruurtiisu ay muddo ku dagaalamayeen hantidiisa kahor inta uusan geeriyoon.

Bishii Nofeembar 2018-kii, carruurtu waxay kiisaskooda geeyeen maxkamad si ay ugu hardamaan boqortooyada ganacsi ee balaayiinka shilin ah.

Cabdicasiis Mahat Kuno iyo Farxiya Mahad Kuno ayaa walaalkood Mohamed Mahad Kuno maxkamadda la tiigsadey, iyagoo doonaya inay gacanta ku dhigaan hoteelka.

Bishii Janaayo 2019-kii, iyadoo dacwaddii ugu horreeysay ay socoto, Maxamed iyo walaal kale oo lagu magacaabo Axmed waxay maxkamadda ganacsiga ee Milimani ee Nairobi ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah Diiwaan-hayaha Shirkadaha.

Labadan nin waxay ku eedeeyeen Diiwaan-hayaha Shirkadaha inay si sharci darro ah u diwaangeliyeen shirkadohooda.

Kiiskani weli waa rahman yahay oo lama xugminin.

Hadalsame Media