”Ma waxaad noo keentay shaqadii Boehly?” – Kahn oo sameeyey arrin horay loogu dhaliilay milkiilaha Chelsea

0

(Munich) 23 Abriil 2023 – Madaxda Bayern Munich ayaa gudaha u galay qolka lebiska kooxda kaddib guuldarradii qaraarka ahayd ee ay kala kulmeen Mainz – taasoo u muuqata mid dadka xasuusinaysa wax uu sameeyey milkiilaha Chelsea ee Todd Boehly.

Kooxda reer Jarmal ayay guuldarro 3-1 ah kasoo gaartey Mainz Sabtidii, iyadoo kooxdaasi ay awood u yeelatay inay 3 gool ka dhaliso 15 daqiiqo qaybtii labaad ee ciyaarta, kaddib gool uu u dhaliyey Sadio Mane.

Natiijadu waxay keentay inay ka hoos maraan hoggaamiyayaasha horyaalka cusub Borussia Dortmund dhanka kala sarraynta Bundesliga.

Agaasimaha Ciyaaraha Hasan Salihamidzic iyo Guddoomiyaha Herbert Hainer ayaa sidoo kale la arkayey iyagoo ku biiraya Kahn intii ay kusii socdeen qolka lebbiska si ay kooxda u canaantaan.

Muuqaalladan markii la arkay ayaa la gocday arrin uu sameeyey milkiilaha Maraykanka ah ee Chelsea Todd Boehly laguna dhaleeceeyay usbuucii hore.

Maalqabeenka Maraykanka ah ee Boehly ayaa ku dhex lugeeyay garoonka ilaa dusmada kahor inta uusan saacad la hadlin ciyaartoyda Blues kaddib guuldarradii ay 2-1 kula dhufatay Brighton.

Hadalsame Media