(Hadalsame) 23 Abriil 2023 – Fahanka diintu haddii uu qalloocdo ama si ku talagal ah loo qalloociyo waa halis marka dambe dad badani caqiiddo biyakamadhibcaan ah ka dhigan karaan.
Xaddiiskaas sawirka ka muuqda waa kan argagaxisadu maalin walba dad musliim ah ku xasuuqdo qaar kalena ku jirdisho. Waxa sidaa ay u samaynayaanna waa fahan qalloocday iyo mid si ujeeddaysan loo qalloociyay si dadweynaha masaakiinta ah loogu marinhabaabiyo..
Xaddiisku ma amrayo dad meel fadhfadhiya ul kala duldhac ama baas ku fur ama isku qarxi. Waayo haddii sidaa la yeelo adduunka oo dhani waxa uu noqonayaa fawdo iyo jaantaarogan qofba qof cunayo, sida haddaba dhulal badan oo islaam ahi u noqdeen godad dadka lagu qasho.
Gacanta xaddiiska ku jirta laga ma wado ul qaado oo dadka la dhac ama qori qaado oo dadka baas ku fur.
Waxaa laga wadaa: haddii aad awood xeer iyo mid dawladeed u haysatid u hawlgal sidii aad ku joojin lahayd: jooji oo qabqabo darooga dalka la soo galinayo iyo dadka soo galinaya; soo xirxir dadka ka ganacsada khamriga iyo daroogada iyo goobaha haweenka jirkooda laga ga ganacsato; soo saar xeerar iyo qawaaniin lagu dhaqo goobaha lagu caweeyo hawlgelina ciidankii hirgelin lahaa sharciga; dadka xeerarkaas jabiya qabqabo oo maxkamad gee.
Dadka sidaa qaldan xaddiiska u adeegsnaya Nebigeenni suubbanaana ugu beenabuuranaya haddii tooda la raaco diinta islaamku waxa ay noqonaysaa diin heshiis la ah ganacsadaha darooga iyo khamriga keena laakiin la dirirrsan carruurta dawlad la’aanta ku dayacantay ee adeegsata.
Waxa ay noqonaysaa diint canshuur iyo shaxaad ka qaadata ganacsatada leh hoteellada lagu dhillaysto ee gabdhaha yar yar ee danyarta ah lagu dhaylaysto, laakiin gabdhahaas duruufaysan jidadka ku eryata.
Waxa aan maraynaaa heer dilka, kufsiga iyo musuqa iyo xatooyadu xalaal noo yihiin balse wiil iyo gabar qol kuwa caweynayaahi wax wayn na la yihiin.
W; Q: Cali M. Diini
Hadalsame Media