(Florida) 23 Abriil 2023 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa ballanqaaday in uu si deg deg ah u joojin doono dhiigga daadanaya ee Ukraine haddii mar kale loo doorto MW 2024.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale qashinka ku tuuray siyaasadda arrimaha dibedda ee Madaxwaynaha hadda talada haya ee Joe Biden, iyaga oo ku andacoonaya inay dunida ka dhigtay meel halis ah.
Isagoo taageerayaashiisa kula hadlayey Fort Myers, Florida, Jimcihii, Trump wuxuu yiri: “Kahor intaanan xitaa imaan Xafiiska Ukunka u eg ee Oval, wax yar kaddib markaan ku guulaysto madaxtinnimada, waxaan joojin doonaa dagaalka xun ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine. si deg deg ah ayaan u xallin doonaa.”
Waxa uu sharraxay inuu “wada yaqaan” Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Ukraine ee Vladimir Zelensky.
Trump, oo madaxwayne soo noqday intii u dhaxaysey 2017 ilaa 2021, ayaa ku andacoodey in “ay is-fahmayeen” madaxa dowladda Ruushka, iyo in Putin aanu billaabeen ololihiisa millateri ee ka dhanka ah Ukraine haddii uu Trump xilka hayo.
Wuxuu sii waday eedaymaha in hoggaamiyaasha wadamada kale ay lumiyeen ixtiraamkii Maraykanka intii uu hoggaaminayey Biden sababtoo ah sida xun ee uu u maareeyey siyaasada arimaha dibedda ee Maraykanka.
Si dib Maraykanku ugu helo xurmaddaasi, Trump wuxuu ku dooday, “Uma baahnid rasaas, uma baahnid taangiyo, uma baahnid hub nooc kasta ah, kaliya waxaad u baahan tahay xoogaa caqli-saliima ah.”
Hadalsame Media