Gabre oo muddo dheer kaddib kasoo muuqday saaxada siyaasadda (Abaalmarin la siiyey)

0

(Addis Ababa) 23 Abriil 2023 – Waxaa muddo kaddib saaxada siyaasadda dib loogu arkay Jen. Gabre oo si aad ah uga dhex muuqdey nidaamkii Tigreega.

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Md Abiy Ahmed, ayaa mar qura la arkay isaga oo billad guddoonsiinaya Jeneraal Gebre oo horey saamayn wayn ugu lahaan jiray siyaasadda Soomaaaliya.

Wuxuu Gabre kasoo muuqday munaasabad lagu abaalmarinayey dadkii doorka ku lahaa nabadda ka dhaqangashay Gobolka Tigraay ee woqooyiga dalka Itoobiya oo uu dagaal ka socdey tan iyo Nofeembar 2020-kii.

Gabre oo ay Soomaalidu ku taqaan tacaddiyadii uu ka gaystey koonfurta dalka Somalia, gaar ahaan Muqdisho ayaa si aad ah uga galaa bixi jirey siyaasadda Somalia.

Yeelkeede, waxaa Somalia ka eryey nidaamkii Nabad iyo Nolol isagoo kaddibna buul noqday markii uu xilka qabsaday Abiy Ahmed.

Hadalsame Media