”Weligeen tani nama soo marin” – Dahabkii ugu badnaa oo sida filimada oo kale loogu xaday garoon ku yaalla Canada (Imisa milyan ayuu ku fadhiyaa?)

0

(Toronto) 22 Abriil 2023Booliiska Canada ayaa baaraya dahabkii ugu badnaa ee lagu dhaco garoonka caalamiga ah ee Pearson ee magaalada Toronto kaddib markii dahab ku kacaya malaayiin doollar oo birtan qaaliga ah iyo waxyaabo kale oo qaali ah la waayey.

Tuugada ayaa la sheegay in dahabka ay dheceen uu ku kacayo US$14milyan oo doollar, sida uu Isbatooraha Booliska Gobolka Stephen Duivesteyn uu u sheegay wargayska Toronto Star.

Waxaa dahabka lagu qaatay isla konteenarkii lagu keenay kaddib markii diyaarad lagaga soo dejiyey goob agabka xamuulka ah la dhigo lagana sii qaado, iyadoo sidoo kale la xaday walxo kale oo qiimo lacageed leh, sida ay booliisku xaqiijiyeen.

end of list

Duivesteyn ayaa sheegay in tuugaysiga noocan ihi uu ahaa mid naadir ah oo aan cidna weli loo qaban, waloow ay tani “indhaha u furtay oo uu sheegay inay ”eegayaan dhammaan xaglaha khuseeya sida alaabtan qaaliga ah loo xaday.”

Maamulka Garoomada Diyaaradaha ee Toronto ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in tuugadu ay soo galeen dhanka dadwaynaha gaar ahaan bakhaar u kireeysnaa shirkad saddexaad.

Dahabka laga qodo Kanada waxaa inta badan la marsiiyaan Gegada Diyaaradaha ee Pearson kahor inta aan loo duulin dibedda. Sidoo kale, ku dhowaad kala bar shixnadaha dhanka hawada la marsiiyo ee Kanada ayaa soo mara gegadan.

Waa xatooyadii ugu waynayd kaddib middi lagu xaday dareeraha maple syrup 2011 iyo 2012 iyadoo la qaatay 9,600 oo fuusto oo lagu qiyaasay $15m ilaa $20m oo doollar, kuwaasoo laga xaday bakhaar ku yaalley gobolka Quebec.

Hadalsame Media