(Hadalsame) 22 Abriil 2023 – Jose Mourinho ayaa ku camirtay saxafi Dutch ah isaga oo u dhiibey boorta-kiyaaw kaddib markii ay AS Roma mar kale ka adkaatay Feyenoord ee Yurub oo ay sanadkii hore ka qaadday Europa Conference League.
Roma ayaa ku guulaysatay koobkeedii ugu horreeyay ee Yurub in ka badan 60 sanadood xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay 1-0 ku garaacday Feyenoord final-kii Confrence League iyadoo uu goolka u dhaliyey Nicolo Zaniolo.
Kaddib markii ay hoggaamiyaasha horyaalka Holland ay 1-0 ku garaaceen Roma oo ay Rotterdam ku akreen usbuucii hore, saxafiga ayaa Mourinho waydiiyey sida ay kooxdiisu uga badin karto Feyenoord kaddib final-kii 2022 ee Tirana.
Tababaraha reer Portugal ayaa u jawaabey si caadi ah, isagoo u sheegay saxafiga inuusan ka ‘ooyin’ guuldarradii sanadkii hore kahor inta uusan ku kaftamin in dadka taageera Feyenoord aysan hal habeen seexan calwasaad la’aan tan iyo markaas.
#Mourinho ha regalato ad un giornalista olandese un portachiavi con la Conference 😂 pic.twitter.com/wSAE6Le4Dt
— Radio Romanista (@radio_romanista) April 20, 2023
‘For the past 10 months you were crying. (Laughs). But you shouldn’t cry,’ he said after the first leg. ‘You know why, you cannot win the match that you lost. You lost a game, you cannot win that one.’
’10-kii bilood ee la soo dhaafay waad ooynayseen. (Qosol). Laakiin waa inaadan ooyin, ayuu yiri lugtii hore kaddib. “Waad garanaysaan sababta, waayo ma badin kartid ciyaar lagaa badiyey.”
Kaddib wuxuu u dhiibey boorta-kiyaawe isagoo u sheegay inay ”horyaalka qaadi doonaan si wanaagsanna ay u ciyaaraan, balse ay ooyinta joojiyaan”, waxaana lugtii dambe ee Roma lagu ciyaaray 4-1 ku badisay Roma oo sidaa 4-2 ugu soo baxday nus-dhamaadka EL.
Hadalsame Media