”Kuma jiro” – Macallinkii ugu muhiimsanaa ee loo dhiibi rabey xilka Chelsea oo tartanka iskaga baxay & Waxa uu dhibsaday?

0

(London) 22 Abriil 2023 Baadigoobka macallinka cusub ee Chelsea ayaa shalay si lama filaan ah u qaatay weji kale kaddib markii uu Julian Nagelsmann isaga baxay tartanka loogu jiro inuu qabto kooxdan ka dhisan Stamford Bridge.

Kooxda reer London ayaa waxa lagu wargaliyey in Nagelsmann aanu doonayn in loo dhiibo kooxda kaddib markii uu ka niyad jabay geeddi-socodka, taasoo sare u qaadday rajada ah in Mauricio Pochettino uu kusoo laabto Premier League.

Inkasta oo Chelsea ay ku adkaysanayso in aanay jirin cid weli ku cad cad shaqada oo ugaarsigu uu furan yahay, Nagelsmann ayaa waxa uu ahaa musharraxa la doorbidayey marka la eego shakhsiyaadka muhimka ah ee lala xiriirinayey Stamford Bridge waxaana loo arkayey in uu yahay kan ugu horreeya ee bedeli kara Graham Potter, kaddib markii la ceyriyay horraantii bishan.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea, oo wadahadallo fool ka fool ah oo faahfaahsan la qaadatay Nagelsmann usbuucii hore, kaasoo uu ninkan Jarmanka ah soo jiitey, misna waxay sii wadday raadinta iyo wadahadalladda ay la yeelanaysey tiro musharraxiin ah oo kale, taasoo ka caraysiiyey macallinkii hore ee kooxda Bavaria.

Chelsea ayaa si deg deg ah ugu dhaqaaqday inay Graham Potter u magacowdo beddelka Thomas Tuchel bishii Sebtembar kahor inta aysan shaqada ka cayrin horraantii bishan Abriil kaddib wax ka yar toddobo bilood oo uu maamulayey.

Hadalsame Media