(Khartuum) 22 Abriil 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Itoobiya keentay ardaydii ugu horreeysey ee Soomaali ah oo ku xayirnaa Suudaan, xilli uu dagaalka Suudaan galay maalintii todobaad.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa maalmaha soo socda loo qaadi doonaa dalka Soomaaliya.
Ku-simaha Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ahna Xiriiriyaha Guddigii ay Dowladdu u saartay daadguraynta Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ku sugan, Danjire C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari, ayaa sheegay in 50 Arday loo qaaday Xadka dalka Itoobiya.
Safaaradda Soomaaliya ayaa ardayda kale ee weli Suudaan ku harsan u diyaarisay gaadiid soo daabula, ayuu hadalkiisa ku daray.
Safiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay maalmaha soo socda u qaadi doonto dalka Itoobiya koox kale oo muwaadiniin ah kafdibna ay u duulin doonto Soomaaliya.
“Annaga oo ka jawaabayna baaqii Madaxwayne Xasan Sheekh, waxaan bilownay in muwaadiniinta Soomaaliyeed laga soo daadgureeyo dalka Suudaan, kuwaasi oo u badan arday, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii ardayda ku xayiran dalka Suudaan looga soo saari lahaa.” Ayuu yiri Danjire Diinaari oo horay u fadhin jirey Koonfurta Suudaan.
Hadalsame Media