(Tokyo) 22 Abriil 2023 – Dowladda Japan ayaa amar ku bixisay in Ciidamada Is-difaaca Cirka dalkaasi ay diyaarad u diraan dalka Jabuuti si ay ugu diyaargaroobaan soo daadguraynta muwaadiniinta Japanese-ka ee jooga Suudaan, halkaasoo ay ka socdaan iska horimaadyo millateri oo sii laxaadsanaya.
Diyaaradaha ASDF ayaa la filayaa in ay u ambabaxaan dalka Jabuuti dhamaadka todobaadkan, halkaas oo ay uga duuli doonaan Suudaan si ay usoo daadgureeyaan ku dhowaad 60 qof oo reer Japan ah oo ku nool dalkan ku yaalla woqooyiga bari ee Afrika, sida ay sheegeen ilo dowladeed.
Ciidamada Is-difaaca ee Japan ayaa saldhig ka samaystay dalka Jabuuti sanadkii 2011-kii, taasi oo qayb ka ah wax lagu sheegay ”howlgalka la dagaallanka burcad badeeda Soomaalida” ee Gacanka Cadmeed.
Weli se ma cadda goorta ay diyaaraduhu ku wajahan yihiin Suudaan. Dowladda ayaa weli go’aamineysa nooca diyaaradaha iyo inta xabbo ee lasoo diri doono, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Dowladda Japan.
Dagaallada u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo ciidamada maliishiyada ah ee taageerada deg dega ah ayaa sii kordhay, isagoo ku fidaya garoonka diyaaradaha ee caasimadda dalka ee Khartuum, taasoo keentay in dadku ay ka cararaan.
Iskahorimaadka ayaa sababay dhimashada in ka badan 270 qof halka in ka badan 2,600 oo kalena ay ku dhaawacmeen, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sidaas sheegay.
Hadalsame Media