(Hadalsame) 21 Abriil 2023 – Madaxwaynaha dalka Maraykanka ee Joe Biden iyo Marwada Koowaad ee dalka Maraykanka Jill Biden ayaa Muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga kaddib markii ay soo dhammaatay bisha Ramadaan.
“Aniga iyo Jill waxaan u hambalyaynayaa bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka, maadaama aad u dabbaaldegaysaan Ciidul Fidriga oo aad soo gebagebaynaysaan bisha barakaysan ee Ramadaan,” ayuu Biden ku yiri qoraal uu soo saaray.
Ciidul Fidriga ayaa inta badan dalalka laga ciiday maalintan Jimcaha ah. Dhaqan ahaanna, Ciidda ayaa ah dabbaaldeg saddex maalmood ah oo lagu xuso damaashaadka qoysaska iyo ducooyin.
“Markii la arkay bisha, xilliga Ciidul Fidriga ayay dadka muslimiinta ihi ciidaan bisha barakaysan ee Ramadaan kaddib, waxay qurxiyaan guryahooda, waxa ay booqdaan dadka ay jecel yihiin oo ay hadiyado siiyaan, waxay xirtaan dhar cusub, iyagoo u tegaya qoyskooda iyo asxaabtooda. Waxaa i dhaqaajisay deeqsinimada ay muujiyaan qoysasku kuwaas oo bixiya cunno oo sadaqada Zakat-al-Fitr,” ayuu yiri Biden.
“Maamulkaygu waxa ka go’an inuu wax ka qabto dhammaan noocyada nacaybka oo ay ku jirto Islaam nacaybku.” ayuu raaciyey, isagoo markale Aqalka Cad ku qabtay DABBAALDEGGA Ciidda oo la hakiyey berigii Donald Trump.
Hadalsame Media