Twitter-ka oo calaamaddii buluugga ahayd ka fuqsaday madaxda Somalia & Kuwa loo dhaafay (Su’aal taagan & Muuse Biixi oo….)

0

(Hadalsame) 21 Abriil 2023 – Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ninka ugu taajirsan adduunku wuxuu kusoo rogey in dadka adeegsada Twitter-ka bishii laga qaadi doono lacag dhan ilaa $8 Doollar, haddii ay doonayaan inay haystaan astaanta tigta ah ee buluugga ah.

Astaantaa ayaa xaqiijisa dhabnimada koontada ay saaran tahay, waloow ay jiraan waxyaabo kale oo looga maarmi karo oo aanay daruuri ahayn, sidaa darteed, dad badan ayaa dhegaha ka furaystay biilkan cusub ee la saaranayo.

Haatan, madaxda Soomaalida ayaa qaarkood lagala noqday waxaana ugu horreeya MW & RW hore ee Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Khayrre, balse waxaa loo daayey oo aan weli lagala noqon Xasan Sh. Max’uud iyo Xamse Barre oo haatan haya xilalka ugu sarreeya Xukuumadda Federaalka ah ee dalka.

Lama oga sababta aan astaanta looga fuqsan madaxda haatan xilka haysa, balse waxay u badan tahay in loogu yeelay jagada ay haatan hayaan, ama inay biilka rukumeen. Waxaa sidoo kale loo daayey degelka Madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale astaantii lagala noqday Muuse Biixi Cabdi oo sheegta inuu MW ka yahay dal ka ”madaxbannaan” Somalia inteeda kale oo Somaliland la yiraahdo.

 

No photo description available.

Hadalsame Media