(Manchester) 21 Abriil 2023 – Kooxda Man United ayaa Khamiistii ka hartay Koobka Europa League kaddib markii kooxda reer Spain ee Betis Sevilla.
Sidaa darteed, Maamulka Man United ayaa damacsan inay sameeyaan kacaamin sal iyo baar ah sida uu qabo Daily Mail, waxaana kooxda Manchester United xagaaga laga dirayaa wax ka badan 50% xiddigaha kooxda.
Laacibiinta kooxda laga fasaxayo ayaa kala ah; David de Gea, Harry Maguire, Fred, McTominay, Anthony Elanga, Victor Lindelof, Donny van de Beek, Anthony Martial, Wout Weghorst iyo Marcel Sabitzer oo ah kuwa iyaga sida gaarka ah loo magac dhabay.
Waxaa se jira xiddigo kale oo aan kuwan ka mid ahayn oo ay kooxdu ka saari doonto liiskeeda xiddigaha mushaharka ka qaata. Kooxda ayaa deeto raadin doonta xiddigo cusub.
Hadalsame Media