Xaalad adag oo kusoo socota Chelsea haddii ay usoo bixi waydo CL & Saamaynta ay yeelanayso

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2023 – Haddii ay Chelsea usoo bixi waydo Champions League xilli ciyaareedka soo socda waxay taasi ugu kici doontaa malaayiin mushahar ah xilli maamulka naadigu aanu ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan.

Ka harista Blues ee tartanka CL xilli ciyaareedkan oo ay ka reebtay Real Madrid habeenkii Talaadadii waxay la micne tahay in kooxda labada jeer ku guulaystey ay waayi karto ka ciyaarista tartanka kooxaha kubbada cagta Yurub ee ololaha 2023-24.

Waxaana rajada laga qabo inay ka maqnaato tartanka faa’iidada badan ee Champions League ay keeni kartaa in ciyaartooy badan laga jaro mushaharooyinka qaaliga ah ee ay qaataan amaba la iibiyo.

Mail Sport ayaa fahansan in saxiixyadii ugu dambeeyey ee kooxda, ama laacibiinta lagula heshiiyey qandaraasyo cusub, laga jari doono ugu yaraan 30 boqolkiiba mushaharkooda.

Mykhailo Mudryk iyo Raheem Sterling oo kooxdan ku biiray 12-kii bilood ee ugu dambeeyey ayay saamayn ku yeelan kartaa biilasha iyo mushaharka la dhimayo.

Sidoo kale, Enzo Fernandez oo isna ah saxiix kale oo cusub oo xitaa jebiyey rikoodhkii Horyaalka Ingiriiska, ayaa laga yaabaa inay saamayso mushaharka la dhimay.

Hadalsame Media