(Hadalsame) 20 Abriil 2023 – Komishanka Midowga Yurub (EC) ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan inay u hoggaansamaan qaar ka mid ah dalabaadyada ka imanaya waddamada xubnaha ka ah bariga EU si ay u soo rogaan canshuuro la saarayo badarka Ukraine.
Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli ay dalalka Poland, Hungary, Romania, Slovakia, iyo Bulgaria ay u ololeynayeen dib u soo celinta canshuurahan si suuqyada maxalliga ah loogu soo celiyo “xasilloonida” kaddib qulqulka badeecooyinka jaban ee Ukraine.
Beeralayda maxalliga ah ee dalalkaas waxay ka sheeganayaan inay la kulmeen khasaare maaliyadeed oo la taaban karo oo ay ugu wacan tahay in raashin badani kasoo galay dhanka Ukraine.
Warqad loo diray shantan waddan, oo uu soo xigtey Politico, guddiga ayaa lagusoo warramayaa inay soo jeediyeen “tallaabooyin kahortag ah” oo ku saabsan soo dejinta gallayda, sarreenka, gabbal-dayaha iyo miraha kale ee Ukraine.
Afhayeenka EC ayaa u sheegay maalinlahan in komishanku ay ku tala jiraan in cashuurihii kastamka dib loogu soo rogo badeecadahaasi, sida uu wargaysku qoray.
Waxa kale oo ay sheegtay in Brussels la filayo inay u qoondayso maalgelin dheeraad ah si raashinka Ukraine loogu dhoofiyo suuqa caalamiga ah halka ay u qaybinayaan €100 milyan oo euro ($109 milyan) taasoo lagu taageerayo shantan waddan ee xubnaha ka ah EU.
Taasi waxay ka dhigan tahay in badeecooyinka ay Yurub u diiddan tahay in lagu hafiyo suuqyadeeda loo weecinayo dunida inteeda kale, halka kab iyo suuq la siinayo kuwa Yurub.
Hadalsame Media