”Waxaan hubaynaynaa dalka Woqooyiga Kuuriya” – Ruushka oo digniin culus u jeediyey Kuuriyada Koonfureed & Waxa ay isku qabteen

0

(Moscow) 19 Abriil 2023 – Moscow ayaa ku gooddisey inay hub casri ah siin karto Kuuriyada Woqooyi haddii Kuuriyada Koonfureed ay bilowdo inay gargaar millateri siiso Ukraine, sida uu sheegay Madaxwaynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev.

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol, ayaa muujiyey isbeddel siyaasadeed oo ay suurtagal tahay inay ku wajahaan dagaalka Ukraine mar waraysi uu siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters Arbacadii, kahor booqasho uu ku tegi doono Maraykanka toddobaadka soo socda.

“Haddii ay dhacdo xaalad beesha caalamku aysan raali ka noqon karin, sida weerar ballaaran oo lagu qaado rayidka, xasuuq ama ku xadgudubka sharciga dagaalka, waxaa laga yaabaa inay nagu adkaato inaan kusii adkaysanno inaan ku koobnaanno oo keliya taageerada bini’aadminnimo ama dhaqaale,” ayuu yiri Yoon. .

“Annagoo tixgelinayna xiriirka aan la leenahay dhinacyada ku lugta leh dagaalka iyo horumarka goobta dagaalka, waxaan qaadi doonnaa tillaabooyinka ugu habboon.” ayuu raaciyey.

“Waxaan la yaaban ahay waxa dadka Koonfurta Kuuriya ay dhihi lahaayeen marka ay arkaan hubka Ruushka oo haystaaan deriskooda ugu dhow, oo ah dalka ologga nala ah ee DPRK [Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya]?” ayuu Medvedev baraha bulshada ku qoray Medvedev, oo haatan ah Gudddoon Xigeenka Golaha Ammaanka Ruushanka.

Wuxuu xusay in Seoul aanay weli hub halis ah siinin Kiev, balse haddii ay siiso ay iyaguna hubayn doonaan deriskooda.

Hadalsame Media