Soomaalidii beryahan Maraykanka u tahriibaysey oo durba dhac lagu bilaabay & 2 dhibaato oo kale oo la filayo

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2023 – Socdaalka kadeedka ah ee Maraykanka & Soomaalida.

Janaayo iyo bishan Abriil, 2023 – tiradii ugu badneyd oo Soomaali ah ayaa si sharci darro ah ku galay Marekanka, iyagoo sii maraya dhowr waddan oo Laatin Ameerika ka tirsan. Tirada sida nabadda ah ku gashay waxaa ka badan boqollaal kale oo lagu silciyay bahdil badana loogu geystay dalalka ay ka deggeen oo dalka Suriname uu ugu liito.

Safarkan oo ay ku baxayso lacag ka badan Labaatan kun oo dollar ($20,000), wuxuu bishii u dambeeyay u badnaa mid lagu guuldarraysanayo, waxaana la dhacay boqollaal kun oo doollar oo dadkan u badan dhallinyarada ay leeyihiin.

Socdaalkan wuxuu sidii kale soo bandhigayaa heerka doqonimadeenna, ma jirto meel ay ka dhacdo tobannaan qof oo wada socda hal qoomiyad kasoo jeeda haddana garoommada diyaaradaha tegaya iyagoon aan maskaxdooda ku jirin wax qorshe iyo ujeed ay ku socdaalayaan oo aan ka ahayn inay Maraykanka si tahriib ah ku galayaan, taa hadda waxay horseedday in la aqoonsaday, la ceebeysto – laguna bahdilo in sawirro laga qaado Baasaboorradooda.

Hadda labo arrinba waa la filan karaa; Baasaboorrada lagu safrayo oo Kenyan iyo Itoobiyaan ah in laga joojiya qaadashadiisa Bulshada Soomaalida, maaddama socdaalka sharci darrada ah uu qiimo dilo document-ga loo adeegsado, cid yeelaysana ma leh bulsho kale oo badana lacago kala baxa inay sumcad dilaan document qarankoodu leeyahay.

Midda labaad Maraykanka iyo waddamada kale ee ay dadkeennu iska dhiibaayaan in la tilmaamsado oo ay yaraadaan tirada sharciyada loo oggaalanayo ama waqti dheer oo qofka gaarsiisa heer maskaxiyan uu u xanuunsado inay sugidda sharciyada ku qaadato.

Heshiiskii dhowaan ee Marakanka iyo Canada isaguna wuxuu meesha ka saaraya in qofka iska dhiibay Maraykanka uu u tillaabi karo dalka Canada, sidii horay u dhici jirtey.

Waa dhab inay dhibaatooyin ka jiran waddankeenna oo xasillooni nololeed aysan ka jirin, balse xalka kaliya ma aha inan ku doono waddanka in laga qaxo, taa oo la macno ah inan sugeyno duulal kale inay dalka inoo hagaajiyaan. Si la mid ah lacagaha badan ee safarka ku baxa, waxay qofka haddii uu wax qorsheeyo u horseedi karaan nolal wanaagsan iyo isbeddel.

Ugu dambeyntii, bulsho dal ahaan nolashooda ay naga- wanaagsan tahay ayaa sannad walba si sharci darro ah ku gala Marekanka, balse habkan aad moodid dad soo qaxay ee boqollaalka ruux ku wada socda ciddii uma safarto- haddiiba aan la joogeyn ceebeysiga iyo bahdilka halaga fogaado oo hannaan caqli ku jiro ha lagu safro.

W/Q: Iimaan Jaamac

Hadalsame Media