Ronaldo oo ay dhici karto inuu tillaabo adag kala kulmo Xiriirka Sucuudiga kaddib anshax xumadan (Daawo)

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa aflagaaddo u gaystey taageerayaasha xilli uu ka baxayey garoonka habeenkii Talaadada sida laga arkayo muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada.

Halyeeyga waaya aragga ah ee Ronaldo ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ciyaarta iyadoo kooxdiisa Al-Nassr ay 2-0 kaga badisay Al-Hilal oo ah koox ay aad u coltamaan.

Natiijadaasi waxay keentay in kooxda macallin Dinko Jelicic ay kusii adkaanayso inay gaaraan hoggaanka horyaalka, iyadoo kooxda Al-Nassr ay ku jirto kaalinta labaad oo ay hadda saddex dhibcood ka hooseeyso kooxda hoggaanka u haysa ee Al-Itixaad tiiyoo ay ciyaartay kulan dheeraad ah, balse Al-shabaab ayaa ku jirta kaalinta saddexaad, waxayna ka hooseeysaa saddex dhibcood hal kulanna waa u harsan yahay.

Superstar Ronaldo, oo 37 jir ah, ayaa sameeyey laba khalad oo aan u qalmin. Mar wuxuu si khatar ah qaab legdin oo kale ah dhulka ugu dhuftay laacib kasoo horjeeda.

Mar kalena wuxuu aad uga caroodey markii uu garoonka kasoo baxayey ee ay taageerayaashu kula qayliyeen magaca  Lionel Messi, markaasoo uu qaab anshax darro ah u qabtay xubintiisa taranka.

Lama oga inay Xiriirka Sucuudigu tillaabo anshax marin ah ka qaadayaan iyo in kale, balse waxaa jirta hadal hayn noocaas ah, inkastoo uu garsooraha reer Ingiriis ee Michael Oliver uu jaalle qura siiyey.

Hadalsame Media