Nin u hadlay RSF oo sheegay sababta ay u dagaallamayaan & Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Khartuum

0

(Muqdisho) 19 Abriil 2023 – RSF ayaa waxay sheegtay inay ka go’an tahay xabbad joojin 24 saac ah taasoo bilaabanaysey 6pm waqtiga maxaliga ah (16:00 GMT) balse u muuqata inay fashilantay; Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada Suudaan.

Ugu yaraan 270 qof ayaa lagu diley dagaalkan tan iyo markii ay iska horimaadyadu bilowdeen, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, iyadoo soo xiganeysa Wasaaradda Caafimaadka Suudaan.

Usaama Sid Axmed oo Aljazeera ka tirsan, kana soo warramaya Meroowe, ayaa isna sheegay in magaaladu ay haatan deggan tahay balse xaaladdu ay tahay mid caadi ka fog.

“Ciidanka Suudaan ayaa gacanta ku haya garoonka diyaaradaha waxayna baacsanayaan waxa ay ugu yeeraan fallaagada magaalada,” ayay raacisay.

Dhinaca kale, inkasta oo lagu heshiiyey xabbad joojin 24 saac ah, misna RSF iyo ciidanka Suudaan ayaa waxay sii wadaan weerarka uu midba ku hayo kan kale, iyadoo meelaha la isku haysto uu ka mid yahay garoonka diyaaraduhu.

Musa Khaddam, oo ah La-taliyaha Taliska RSF, ayaa u sheegay Al Jazeera in kooxdoodu ay doonayso inay “ilaaliso hannaanka dimoqraadiyadda” iyo in nidaamka lagu sallimo rayidka, sida uu sheegtay.

Dukaamadii iyo meheradihii dadwaynaha ayaa xiran iyadoo jidadka magaalada lagu arkayo tiro teel teel ah oo u badan dad doonaya inay colaaddan ka baxsadaan.

Hadalsame Media