DF Somalia oo go’aan yaab leh kasoo saartay waxa ay yeelayso kalluun lagala wareegey shirkado ajnabi ah

0

(Muqdisho) 19 Abriil 2023 – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday in la iibinayo 30 tan oo kalluun ah, kaasoo lagala soo wareegey kalluumaysato shisheeye ah ay si sharci darro ah uga jillaabanayey xeebaha badda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka ayaa lagu sheegay in kalluunkan laga iibinayo shirkadaha maxalliga ah ee Soomaaliyeed ee ka ganacsada kalluunka ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo dalka.

Maxkamaddu waxay carrabka ku dhufatay noocyada kalluunka ay dadwaynaha ka iibinayso kuwaasoo ay ku kala sheegtay midka aadka loo jecel yahay ee Tuunnaha Cad ama White Tuna iyo kalluunka Daamberiga.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha DF Soomaaliya uu maalin kahor sheegay in 36 eedaysane oo ajnebi ah maxkamad la horgeeyey, kuwaasoo kalluumaysi sharci darro ah ka wadey badda Soomaaliya, sida lagu eedeeyey.

Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa kalluumaysatadan la sheegay inay ku qabteen 30 tan oo kalluun ah, waxaana lagala wareegay kalluunkii iyo doomhii ay ku jillaabanayeen, halka iyagiina xabsiga la dhigay.

Lama sheegin halka ay aadayso lacagta kasoo xaroonaysa iibkan iyo sida ay dadwaynuhu uga faa’iidaysan karaan toona.

 

Hadalsame Media