(Brussels) 18 Abriil 2023 – Danjiraha Midowga Yurub ee Suudaan ayaa la weeraray Isniintii shalay xilli ay sii socdaan iskahorimaadyada u dhexeeya millateriga qaranka iyo kooxda saamaynta ee Gurmadka Deg Degga ah, Rapid Support Forces (RSF), sida uu sheegay diblomaasiga ugu sarreeya EU, Josep Borrell.
Ergaga waxaa “lagu weeraray gurigiisa,” Borrell ayaa sidaa ku yiri Twitter-ka. Ma uusan se sheegin wax faahfaahin ah oo ku aaddan sida ay wax u dhaceen, sidoo kale ma uusan carabaabin cida ka dambaysey weerarkaasi. Sidoo kale ma cadda in Danjiraha Midowga Yurub uu ku dhaawacmay weerarka iyo in kale.
Borrell ayaa dhaleeceeyey dhacdadan oo uu ku tilmaamay “xadgudub wayn oo ka dhan ah Axdiga Vienna” isagoo ku dooday in ammaanka ergada diblamaasiyadeed ay tahay mas’uuliyadda koowaad ee dalka martida loo yahay marka la eego Xeerka Caalamiga ah.
Ku dhowaad laba saacadood kahor, diblamaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub ayaa qoraal kale oo uu Twitter-ka kusoo qoray ku sheegay in ururku “ay ka shaqaynayaan sidii ay dhinac kasta uga dhaadhicin lahaayeen inay ka fiirsadaan xabad joojin bini’aadminnimo iyo dhiirigelin wadahadal.”
Dadka rayidka ah ee Suudaan “waxay si deg deg ah ugu baahan yihiin xabbad joojin.” ayuu xilligaa ku adkaystay.
Hadalsame Media