(Muqdisho) 18 Abriil 2023 – Somalia ayaa maxkamad soo taagtey ilaa 36 eedaysane oo shisheeye ah kuwaasoo lagusoo qabtay iyaga oo ka kalluumaysanaya biyaha maxalliga ah ee dalka Somalia.
Dadkan lasoo qabtay ayaa kala watey ilaa 2 doonyood waxaana guud ahaan saarnaa kalluun ay dalka Somalia si tuugo ah kaga jillaabteen oo qiyaas ahaan gaaraya ilaa 30 tan, kuwaasoo ay soo qabyeen Ciidanka Badda Somalia.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Qaraka ayaa sheegay in dacwad lagu qaaday dadkan kaddibna loo dhaadhiciyey xabsiga, iyadoo loo digey dadka ajbaniga ah ee howlaha kalluumaysi ee sharci darrada ah ka wada dalka.
Waxaa sidoo kale loo digey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada oo loo sheegay inay ka fogaadaan inay shisheeyaha ku gacan siiyaan howlaha noocan oo kale ah.
Somalia ayaa ah dalka 1-aad dunida oo dhan ee kalluunka ugu badan sanad kasta laga xado, waxaana qayb ahaan u sabab ah dalka oo leh badwayn iyo badyaro marka la isku daro dhul badan ku fadhiya, balse aan lahayn cid si buuxda u ilaalinaysa.
Hadalsame Media