(Hadalsame) 17 Abriil 2023 – Muxuu ku dambayn karaa dagaalka Soodaan ka qarxay?
Khubarada arrimaha Soodaan u dhuun dalooshaa welwel aad u weyn bay ka muujinaysaa waxa xaalku ku dambayn karo, saadaashuna ma qurux badna. Xogogaalku wax ay ka digayaan Soodaan in ay isu rogto Soomaaliyadii hore amaba Liibiyada cusub. Wax ay ka digayaan dagaal sokeeye oo dabo dheeraada, gobollada oo malleeshiyooyin u ka la xidhma iyo shisheeye badan oo soo farageliya.
Saddex natiijo mid uun in dagaalkani ku dambaynayo ayay sadaashu u badan tahay:
1. In dhinaca Cabdifataax Burhaan ee xoogga dalka matalaya, awood ahaanna qolada kale ka sarreeyaa, ku guulaysto maalmo gudahood in uu Kharduum wada qabsado oo ka safeeyo ciidanka Dooglo, dabadeed gobollada kale ku sii ugaadhsado. Tani haddii ay dhacdo qolada adkaatay waxaa gelaya damac xun oo ah in ay talada dalka xoog ku sii haysato oo wadahadalladii socday harraatido, iyada oo imikaba la sheegayo Burhaan in uu wato hadhaadigii Cumar Bashiir iyo kooxdii Ikhwaan Muslimiin oo soo noolaatay.
2. In ciidanka Dooglo guul lama filaan ah dagaalka Kharduum ka gaadho, oo qabsado taliska dhexe ee ciidamada iyo madaxtooyada, labadaas oo uu imika beegsanayo. Taasi haddii ay dhacdana qolada kale tanaasuli mayso ee waxaa bilaabanaya dagaal magaalo oo foolxun oo dheeraada oo Kharduum ku dunto.
3. In ciidanka Dooglo ee imika weerarka ahi baqdin u ga baxo caasimadda Kharduum iyo agteeda, waayo shacabka deggan taageero badan ka ma haysto, waxaana ka xidhmaya waddooyinka saadka gobolladu u soo mari lahaa. Tani haddii ay dhacdana ninkani wax uu u guurayaa gobollada ciidankiisu ku xooggan yahay, gaar ahaan Daarfuur oo isagu ka soo jeedo, sidaana waxaa ku bilaabanaya dagaal sokeeye oo aad u dabo dheeraada oo cid waliba soo farageliso, una eg ka Liibiya.
Si kale haddii loo yidhaahdo, dagaalkani waa uun noocii Afrika la gu yaqaannay, natiijaduna wax ay noqonaysaa tii la yaqaannay.
W; Q: Ibraahim Hawd
Hadalsame Media