”Eega Man United & Newcastle” – Taageerayaasha oo Arsenal oo lagu canaantay arrin ay kula dhaqmeen gabar yar (Daawo)

0

(London) 18 Abriil 2023 – Taageerayaal xanaaqsan ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay tusaalooyin ku aaddan sida ay tahay inay kooxuhu xiriir fiican ula yeeshaan taageereyaasha kaddib markii ciyaartooyda Arsenal aad loogu dhaleeceeyey arrintan.

Gunners ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal ay kooxdoodu funaanad u saxiixayso mid ka mid ah ilmaha yar yar ee kooxaha soo raaca xilliga bilowga ciyaarta ee loo yaqaan Mascot-ka bannaanka qolka dhar-bedelka kahor inta ayna bar-baro 2-2 ah la gelin West Ham Axaddii.

Si kastaba ha ahaatee, midkoodna ka mid ah ciyaartooyda Arsenal uma muuqan inay xitaa dareemayaan inay meesha taagan tahay gabadha, oo lagu magacaabo Olivia Murray, markii ay qalinka saxiixa isu dhiidhibayeen si ay funaanadda ugu saxiixaan, inkastoo ay iyadu u eegaysey si muujinaysa inay aad ula dhacsan tahay.

Shakhsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Nick Knowles, Laura Woods iyo Piers Morgan ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray in ciyaartooyda ay yihiin dad is ”mahadiyey, lacag dheeraad ahna qaataan balse kibraaniyiin ah.”

Waxay qaarkood soo qaateen sida ay xiddigaha Man United iyo Newcastle u qaddariyaan carruurta yar yar.

Hadalsame Media