(Khartuum) 18 Abriil 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay muwaadiniinteeda ugasoo daadguraynayso dalka Suudaan, haddii uu sii xoogaysto dagaalka u dhexeeya xoogagga iska soo horjeeda ee halkaasi ku sugan.
“Waxaan ka wada hadlaynaa, haddii ay dhacdo in dadka la daadgureeyo, sidii dalkan looga saari lahaa,” ayuu Maxamed Sheekh Isak, oo ah Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, u sheegay VOA.
“Ma jiraan diyaarado. Waxaase jira qorshe aanu wadno oo ah in haddii aanu garoomada soo marin wayno in aanu basas kiraysano oo aanu magaalada ka saarno oo aanu u qaadno dalalka deriska ah sida Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya”. ayuu raaciyey.
Jeer uu dagaalku halkaa kasii soconayey maalinnimadii Isniintii kaasoo ka bilowday caasimadda Suudaan ee Khartuum, ardayda Soomaaliyeed ayaa waxay muujiyeen cabsi ku wajahan ammaankooda.
Waxayna qaarkood oo waraysi siiyey VOA, ay ka codsadeen Dowladda Soomaaliya in laga daadgureeyo halkaasi.