(London) 17 Abriil 2023 – Taageerayaasha Arsenal ayaa ka caroodey labadii daqiiqo ee foowdada ahayd ee kulankii ay la ciyaareen West Ham taasoo keentay in Bukayo Saka uu rigoore khasaariyo, kahor inta uusan barbarrayn Jarrod Bowen.
Gunners ayaa 2-0 ku hoggaaminaysey 10-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulankii ka dhacay London Stadium waxaana goolasha Arsenal u kala dhaliyey Gabriel Jesus iyo Martin Odegaard.
Waxa ay u muuqdeen kuwo nabad ku mushaaxayey kahor intii aan Hammers-ka rigoore loo dhigin kaddib markii Gabriel uu khalad ka galay Lucas Paqueta, iyadoo Said Benrahma uu goolkaa uga faa’iideeyey.
Taageerayaasha Gunners ayaa haatan u muuqda kuwo ka caraysan qaabka ay kooxdoodu u sallimayso hoggaankii horyaalka oo ay qaarkood ku misaaleen “kufiddii Gerard.”
Arsenal have reportedly put contract talks with manager Mikel Arteta on hold.
According to The Sun, the Gunners are eager to avoid any distractions in the title race.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay hakisay wadahadaladii heshiis kordhinta ee ay kula jirtay tababare Mikel Arteta.
Sida laga soo xigtay The Sun, Gunners ayaa dooneysa inay ka fogaato wax walba oo carqaladeynaya tartanka horyaalka.
Paris Saint-Germain, oo ka mid ah kooxihii hore ee Arteta, ayaa la sheegay inay isha ku hayaan xiddiga reer Spain.
Paris Saint-Germain, one of Arteta’s former clubs, are said to be monitoring the Spaniard.
Hadalsame Media