(London) 17 Abriil 2023 – Ra’iisal Wasaaraha UK, Rishi Sunak, ayaa waxaa baaraya hay’adda ilaalinta heerarka Baarlamanka kaddib markii uu ku guuldarraystay inuu sheego xiisaha xaaskiisa ee shirkad ka shaqaysa daryeelka carruurta markii laga wada hadlayey $5 bilyan oo doollar oo maalgelin ah oo lagu kobcinayo daryeelka carruurta.
Isniintan maanta ah, magaca Sunak ayaa lagu daray liiska siyaasiyiinta uu baarayo guddoomiyaha Daniel Greenberg, kaasoo sheegay in baaritaanka durba la bilaabay khamiistii lasoo dhaafay.
Kiisku wuxuu la xiriiraa dhacdo bishii hore uu RW Sunak ku dhawaaqay £4 bilyan ($5 bilyan) oo maalgelin ah oo loogu talagalay daryeelka carruurta. Nidaamku wuxuu ku saabsan yahay in dadka la siiyo gunno si ay u noqdaan ilmo-xannaaneeyayaal, iyada oo dad soo galaya xirfadda iyagoo wata hay’ad gaar loo leeyahay ay laba-laab helayaan.
Markii ay xildhibaannadu waydiiyeen sababta ay siyaasaddiisu ugu xaglinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay, Sunak ma uusan xusin in xaaskiisa, Akshata Murty, ay 20,000 saami ku leedahay hay’adda Koru Kids, oo ah hay’ad carruurta xannaanaysa oo gaar loo leeyahay.
Koru Kids waxaa ay sidoo kale ahayd mid ka mid ah lix hay’adood oo noocaan ah oo ku qoran mareegaha Dowladda UK kuwaasoo ka faa’iidaysanaya nidaamkan cusub.
Xafiiska Sunak waxa uu ku adkaysanayaa in aanu wax khalad ah samayn, iyo inuu xiisaha Koru Kids uu ku caddeeyey Xafiiska Golaha Wasiirrada qaab qoraal ah bishii hore.
Hadalsame Media