Osimhen oo u jawaabey kooxo badan oo uga gacan haadinaya Horyaalka EPL

0

(Napoli) 17 Abriil 2023 – The Nigerian forward has played a leading role in Napoli’s title charge this term, netting 21 goals in 24 league games to help Luciano Spalletti’s men move 14 points clear at the top of Serie A.

Victor Osimhen ayaa ku adkaystay inuu jecel yahay waqtigiisa uu haatan ku qaadanayo kooxda SSC Napoli jeer lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Premier League xagaagan.

Weeraryahanka reer Nigeria ayaa door hoggaamineed ka ciyaaray hanashada horyaalka Napoli ee xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyey 21 gool 24 kulan oo horyaalka ah si uu uga caawiyo wiilasha Luciano Spalletti inay 14 dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka Serie A.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitey kooxo dibedda ah, iyadoo Manchester United ay isha ku hayso weeraryahankan aadka loo qiimeeyo, halka Arsenal iyo Chelsea  ay sidoo kale doonayaan inay helaan saxiixiisa.

Laakiin waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu ku faraxsan yahay horumarka uu ku sameeyey Napoli, kooxduna ay mar walba lahaan doonto qayb ka mid ah qalbigiisa.

“Waxaan joogaa koox wayn, xirfadayduna si joogto ah ayey u koraysaa,” ayuu raaciyay.

“Waxaan horayba ugu sugnaa mid ka mid ah kooxaha ugu waawayn Yurub, wax intaas ka badanna ma aanan waydiisan karin cidna. Forza Napoli had iyo jeer!” ayuu yiri.

Hadalsame Media