”Waa in Somalia la hubeeyaa” – DF Somalia oo loo fasaxi rabo inay hesho hubka culculus (Qorshe ay isla wadaan dal kale oo Afrikaan ah & Taageero laga helay Midowga Afrika)

0

(Hadalsame) 17 Abriil 2023 – Rabshadaha soo laalabata oo ay weheliso awood la’aanta ciidamada ee inay ammaan ku filan siiyaan dadka rayidka ah ayaa ka dambaysa dadaallo ay wadaan dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ee ay ku doonayaan in laga qaado cunaqabataynta hubka.

Muddo sanado ah, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu wadey inuu cunaqabatayn xiriir ah saaro dalalkan Bariga Afrika ugu dhibka badan – Soomaaliya oo halgan ugu jirta sidii ay uga adkaan lahayd kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka iyo Koonfurta Suudaan oo ay dhib ku hayaan kooxo hubaysan oo kala duwan ayaa qorshahan wada.

Koonfurta Suudaan, iskahorimaadyada soo noqnoqday ee u dhexeeya kooxaha hubaysan ee labada u kala jabay ayaa sabab u noqday kordhinta cunaqabataynta hubka ee saarnayd, sannadkii hore.

Bisha soo socota, cunaqabataynta South Sudan ayaa mar kale dib u eegis lagu sameyn doonaa, Juba, si la mid ah Muqdisho, waxay iyana rajaynaysaa in xayiraadda laga qaado.

Juba ayaa dooranaysa inay daaha gadaashiisa uga ololeeyaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey halka Soomaaliya ay si cad ugu baaqday in laga qaado cunaqabatayntan soo taxnayd tan iyo 1992-kii.

Toddobaadkii hore, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ahayd inay tixgeliso “codsiga soo noqnoqda” ee Soomaaliya si looga qaado xayiraadda.

Golaha oo la tacaala khataraha amni ee Afrika, ayaa sheegay inay tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta saaran “si loo xaqiijiyo in dalku uu si ku filan u qalabeeyo si wax looga qabto khataraha amni ee Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ka howlgala Soomaaliya, xilli uu dalku isu diyaarinayo inuu la wareego mas’uuliyadaha amniga ee dalka oo haatan saaran ATMIS dhamaadka XILLIGA kala-guurka ah ee 31-ka Diseembar 2024-ka.”

Hadalsame Media