(Hadalsame) 17 Abriil 2023 – Waxaa soo baxay bayaan ka yimid 15 dal oo beesha caalamka ah oo ay UK ku jirto.
Dowladda UK ayaa mar kale caddaysay mowqifkeeda ku aaddan dagaalka Laascaanood, iyadoo carrabka ku adkaysay 2 shuruudood oo ku wajahan nidaamka Somaliland.
Waxay usoo jeediyeen Madaxwayne Muuse Biixi in lagaga fadhiyo fulinta 2 qodob oo bilaa sharuud ah, kuwaasoo kala ah:
1 – Inuu dagaalka joojiyo, taas oo ka dhigan inay ku eedaynayaan inuu isagu wado dagaalka.
2 – In ciidamada la kala geeyo halkii heshiiska lagu gaarey (Walow aysan carrabka ku adkayn halka ay tahay).
Somaliland ayaa haddii ay diiddo wajahaysa caqabado ka dhalan kara sida hakinta mashaariicaha, mamnuucidda safarrada, eedaha dembiyo dagaal iyo joojinta la macaamilka ee Somaliland.
Hadalsame Media