SAWIRRO: Wershadda nukliyeer ee Yurub ugu xooggan oo xarigga laga jaray kaddib 14 sano (Dalkee dhistay?)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2023 – Mashiinka Nukliyeerka Olkiluoto 3 (OL3) ee laga dhisay koonfur-galbeed Finland ayaa bilaabay soo saarista korontada, sida uu sheegay madaxa shirkadda Teollisuuden Voima (TVO) maanta.

Kaddib marxalad tijaabo ah oo dheer oo ka dhacay xarunta Eurajoki, wax soo saarka joogtada ah ayaa bilowgii loo qorsheeyey inuu bilaabmo Isniinta, laakiin taa beddelkeeda waxaa la bilaabay 2 subaxnimo Axaddan.

Waxay soo tuuraysaa koronto dhan 1.6 gigawatt OL3 waana tamarta nukliyeer ee ugu awoodda badan Yurub, iyo tan saddexaad ee ugu wayn adduunka.

Sida uu sheegay madaxa TVO Jarmo Tanhua, waxaa la filayaa inay shaqeyso ugu yaraan 60 sano ayna buuxiso ku dhowaad 14% baahida korontada ee Finland.

Dhismaha OL3 waxa la bilaabay 2005tii, waxaana ay ahayd in la bilaabo soo saarista korontada 2009-kii, laakiin dib u dhac ku yimid shaqada naqshadaynta iyo khilaafyo sharci oo is-daba joog ah ayaa sababay in 14 sano dib loo dhigo bilaabista howsheeda.

Curiyahan waxa uu hadda qayb ka yahay Shabakadda Korantada Qaranka ee Finland oo lagu daray bishii Maarso ee sanadkii hore waxaana uu bilaabay wax soo saar tijaabo ah, laakiin dhawr cillad farsamo ayaa ku khasbay TVO inay dib u dhigto u gudubka shaqada caadiga ah dhowr jeer.

Hadalsame Media